Afhayeenka Baarlamaanka Somaliya oo kulan la yeeshey Afhayeenka barlamanka Itoobiya

0
27

jawariBaarlamaanada dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa saxiixday heshiis ah in la sameeyo xubno guddi ah oo si wadajir ah ugu shaqeeya xariirka u dhaxeeya labada dowladood gaar ahaan guddi ka dhex shaqeeya labada Baarlamaan.

Afhayeenka Baarlamaanka dalka itoobiya Abadula Gemeda isaga iyo ku xigeenadiisa oo kulan la qaatay wafdi uu hogaaminayo afhayeenka Baarlamaanka dalka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Itoobiya ay garab taagan tahay dowlada Soomaaliya oo iminka hardan ugu jirta sidii ay u saldhigan lahayd.

Sidoo kale Afhayeenka Baarlamaanka itoobiya ayaa bogaadiyay isbadalka siyaasadeed ee ka dhacay wadanka Soomaaliya,isagoona ku baaqay in dowlada itoobiya adkeyn doonto horumarada iminka dalka uu tilaabsaday oo ah nabada,xasiloonida iyo dhisitaanka maamul Goboleedyo shaqeeya.

Waxuu sidoo kale Mr Abadula Gemeda uu balan qaaday in shacabka Soomaaliyeed iyo dowladiisa ay kala shaqeyn doonaan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa dalka Soomaaliya oo haatan cagaha la galaya horumar iyo kasoo kabasho dhanka burburka ah.

Daafeet.Com