Dowlada Somaliya oo ka hor timid qorshe ay Dowlada kenya dooneyso iney ku ilaaliso Bada Somaliya

0
23

fowsiyoDawlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hortimid qorshe ay Kenya gaysay golaha ammaanka ee qaramada midoobay, kaasoo ay ku doonaysay in lacag lagu siiyo ka hawlgalida ciidamadeeda badda gudaha biyaha Soomaaliya.

Dawlada Kenya ayaa hordhigtay golaha ammaanka qorshe ay ku codsanayso lacag dhan $10 milyan, oo ku baxaysa hawlgallo dhanka badda ah oo ay fulinayaan ciidamada badda ee Kenya.

Safiirka qaramada midoobay u fadhiya dawlada Kenya Macharia Kamau ayaa ku dooday in ciidamada Soomaaliya aysan awood u lahayn wax ka qabashada dhaqdhaqaaqyada ay Alshabaab ka wado dhanka badda, gaar ahaana hubka uga soo dagaya xeebaha loona baahanyahay inay arrintan wax ka qabtaan ciidamada badda ee Kenya oo hoostagaya hawlgalka midowga afrika ay ka wadaan Soomaaliya.

Waxaase arrintan si lama filaan ah uga jawaabtay Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Marwo Fawziya Yuusuf Xaaji Aadan oo sheegtay in arrimaha hubka kasoo galaya badda, burcad badeeda iyo tahriibkuba ay yihiin arrimo dhibaato ah, balse aysan ku jirin shaqadii loo xilsaaray ciidamada Amisom ee ka hawlgala Soomaaliya.

Fawziya ayaa sheegtay in dawladda Soomaaliya aysan aqbalaynin in hawlgalka Amisom loo sharciyeeyo inay ka hawlgali karaan dhanka badda sida lagu qoray wargeyska ugu afka dheer dalka Kenya ee “The Daily Nation”.

Arrintan ayaa la isla soo qaaday xilli golaha ammaanka ee qaramada midoobay uu ku doodayay sidii Soomaaliya looga qaadi laha cunaqabataynta ka saaran dhinaca hubka.

Daafeet.Com