Wafdiyo qaab beeleed u abaabulan oo isaga kala yimid Gaarisa(Kenya)Soonka5 ee Itoobiya,Garowe iyo Kismaayo oo ku shiray Boosaaso

0
53

asasaWafdi dhaqaale doon ahaa oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalooyinka maamul goboleedka Puntland ayaa lagu soo waramayaa in maanta ay magaalada Boosaaso kusoo gabagabeeyeen kulamadii ay la lahaayeen maamulka iyo dhaqanka Puntland
Wafdigan oo Xubnihiisa ay kamid ahaayeen Guddoomiyaha degmada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya Ismaaciil Cabdi Garaad, Guddoomiyaha Maamul u Sameynta Jubooyinka Khaliif Cali iyo xubno kale oo kasocday Kilinka Shanaad ee Itoobiya ayaa waxay Isimada maamul goboleed Puntland kala hadleen sidii ay shacabka Puntland uga aruurin lahaayeen dhaqaale lagu maareeyo shir ladoonayo in maamul goboleed ku dhisan qaab beeleed looga hirgelin lahaa gobolada Jubada hoose,Jubada dhexe iyo Gedo
Suldaan Cabdullaahi Saalax Cumar oo ku hadlayey magaca Isimada Puntland ayaa Saxaafadda faah-faahin kooban ka siiyey kulankooda isagoona sheegay in wafdiga isdhaafasadeen fikrado iyo Talooyin la xiriirta sidii beesha ay kasoo wada jeedaan ee Daarood dhan walba ay uga midoobi lahayd waxa uuna suldaanku hoosta ka xariiqay in dhamaan arimihii ay isla soo qaadeen ay isla meel dhigeen lana gaaray wax wadaqabsi iyo Walaaltinimo guud oo ay beeshu wada yeelato.”Qodobada ugu muhiimsan ee laga wadahadlay ayaa ah wax wadaqabsiga deegaamada laga yimid sida Gaarisa,Jubooyinka,Kilinka Shanaad,Puntland iyo Maslaxada guud ee Soomaaliya sidii loo wada dooni lahaa oo loo qodox bixin lahaa….””ayuu yiri Suldaanku.
Suldaan Cabdullaahi Saalax Cumar ayaa ka dhawaajiyey in Puntland iyo Shacabkeeduba ay taageersanyihiin in Jubaland yeelato maamul u gaar ah kana tirsan Dawladda Federaalka,wuxuuna ugu baaqay Dawladda Soomaaliya in dadka deegaanka u tixgeliso rabitaankooda.
Dhanka kale Guddoomiyaha Maamul u Sameynta Jubooyinka Khaliif Cali oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in imaashahooda maamul goboleedka Puntland uu la xiriiray sidii ay walaalahooda reer Puntland u weydiisan lahaayeen in garab ku siiyaan sidii looga mira dhalin lahaa samaynta maamul beeleed ay yeeshaan beelaha Daarood ee dega Koonfurta waxa uuna sheegay in reer Puntland intii ay ka filayeen iyo ka badanba ay ka heleen.
Kulankan beelaha Daarood ee maanta Boosaaso lagu soo gabagabeeyay ayaa imaanaya iyadoo Caalamka,Dowladaha deriska,Dowlada Soomaaliya iyo Shacabka degan KoonfurGalbeed Soomaaliya ay diidmo adag kala hor yimaadeen Maamul boobka ay dooneen qaar ka mid ah beelaha Daarood ee wax ka dega gobolka.