Maxamuud Sayid Aden oo shirjaraa'id qabtay kagana hadlay howlaha Maamul Goboleedyada ee ka kala soconaya Baydhabo iyo Kismaayo

0
100

msaMaxamuud Sayid Aden oo ah Gudoomiyaha Hogaaminta Ciiidamada Aaga Gedo ayaa waxaa uu kaga hadley arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin aragtidiisa ku aadan howlaha Maamul Goboleedyada ee ka kala soconaya Gobolada Jubbooyinka iyo midka kale ee K/Galbeed ee dhowaanahan soo shaac baxay,dhamaantoodna waxuu sheegay in ay yihiin talaabooyin aanan wax micno ah soo kordhin doonin. “Anaga Mowqifkeenu wuu cad yahay xilliga wax la dhisi karaana waa Marka la xoreeyo Gobolada Koonfurta oo dhan oo gaariga ka soo baxa Dolow uu si nabad ah uu ku tegi karo Kismaayo,howlaha hadda socdana waa kuwo Qaldan,waana siyaasad xumo mana aqbali doono,haddii aan laga fiirsan arimahani xaalku waxuu noqon doonaa Maamuladii Dibada looga dhawaaqayey oo kale .

Waxaa wax lala yaabo ah in Maamulka KMG kismaayo uu Wafdi dhaqaalo doon ah uu u diro Puntland,si uu u guda galo howsha Maamulka Jubbooyinka,waxaase kaba sii daran ayuu yiri Maxamuud Sayid  in Duqa Gaarisa ee Dalka Kenya oo isna arimahaasi u jooga Maalmahii ugu dambeeyey Garoowe iyo Boosaaso u joogey,waxaan mar kale ku celinayaa in aanan la isku waafaqsaneyn howlahaasi.

Maxamuud ayaa dhinaca kale waxaa uu sheegay 20 bisha labaad ee Sanadkan in Shirweyne Wada tashi ah uu qeybaha kale duwan ee Bulshada ku dhaqan Gobolka Gedo uu uga furmi doono  Degmada Garbahaarey,shirkaasi oo uu tilmaamay durbaba Ergooyinkii ka qeyb geli laha oo ka kala imaanaya Dibada iyo Gudaha in ay gaarsiiyeen Casuumaadii,ayna ka aqbaleen.

Halkan ka dhegayso Shir Jaraa,id Maxamuud Sayid Aden oo ka hadlay Arimo badan