Madaxweynaha dowlada federalka somaliya oo la filaayo inuu u kicitimo Dalka Itoobiya

0
27

xasanMadaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku wajahan dalka Itoobiya, halkaasoo uu uga qaybgalayo shirka sannadlaha ah ee Midowga Afrika.

Xasan Sheekh iyo wafdigiisa oo ay ka mid noqon doonaan wasiirro iyo xubno ka tirsan baarlamaanka ayaa lagu wadaa inay berri ka dhoofaan Muqdisho, iyadoo lagu wado in madaxweynuhu uu shirkaas ka jeediyo khudbad uu kaga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

Mudane Xasan Sheekh ayaa dhowr jeer oo hore sheegay in dowladdiis ay xoogga saari doonto sidii dalka ay nabad ugu soo rogi lahayd ayna ula dagaalami lahayd dambiyada uu ka mid yahay musuqmaasuqa oo inta lagu eedeeyo dowladaha Soomaaliya.

Safarkan ayaa wuxuu noqonayaa kii labaad oo madaxweynaha Soomaaliya uu ku tago dalka Itoobiya, iyadoo kulanka sannadkan ee Midowga Afrika lagu wado in looga hadlayo dalalka ay xasaradaha ka taagan yihiin sida dalka Maali oo dagaallo ay ka socdaan iyo kacdoonnada Masar.

Daafeet.Com