Boliska dalka Kenya oo gacanta ku dhigey niman looga shakisan yahay inay la shaqeeyaan Alshabab

0
38

kenyaCiidamada Boliiska dalka Kenya,ayaa gacanta ku dhigay rag la sheegay inay xariir la leeyihiin Al-Shabaabka Soomaaliya,islamarkaana damacsanaa in Soomaaliya ay u soo baxsadaan si ay kaga barbar dagaalamaan.

Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya oo soo xiganaya sarkaal Booliiska Kenya ka tirsan oo lagu magacaabo Aggrey Adoli ayaa sheegay in dadkaan ciidamada Booliiska ay gacanta ku dhigeen ay damacsanaayeen inay u soo safraan dalka Soomaaliya ka hor intaan gacanta lagu dhigin si ay ula kulmaan xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Mr Adoli ayaa tibaaxay in dadkani laga shakisan yahay ay wateen decumentiyo Kenyaan ah,laakiin wuxuu meesha ka saaray inay ku hadlayeen luuqada Swahili iyo Englishka,Danbi baarayaal ayaa sheegaya in dadka la qabtay ay asal ahaan ka soo jeedaan dalka Soomaaliya,kuwaasi oo in mudo ah ku dhaqnaa dalka Kenya,gaar ahaan magaalada Mombasa.

Dadkaan ciidamada Booliiska Kenya gacanta ku dhigeen oo tiradooda la shaacin ayaa la sheegay in iminka ay marayaan weydiinta su’aalooyin badan oo la xariira cida ay yihiin iyo waxyaabaha ay damacsanaayeen,iyadoo warar kala duwan oo soo baxaya ay sheegayaan in ragaan ay ahaayeen raga ganacsato ah oo maalgilinayay Al-shabaab.

Daafeet.Com