Augustine Mahiga oo sheegey in beesha calamka looga bahan yahay iney caawiyaan Somaliya

0
33

mahigaQaramada Midoobay ayaa sheegtay in beesha caalamka looga baahan yahay inay dhaqaale ku bixiso dhismaha ciidamada qaranka Soomaaliya, si ay amniga dalka ugala wareegaan Howlgalka Nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga oo ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya aanay awoodin inay la wareegaan amniga dalka oo ay beddelaan ciidamada AMISOM, haddii aan tababarro la siinin.

Mahiga waxa uu sheegay in howsha tababarka ciidamada Soomaaliya aanay si dhaqse ah ku socon, waxaanu taas u sababeeyay dhaqaale buuran oo aan jirin.

Hadalka Mahiga ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo dhawaan ay safiirro ka socda dalal caalamka qaarkood ay kulan kula yeesheen garoonka diyaaradaha Muqdisho madaxweynaha Soomaaliya iyo xubno ka tirsan golaha wasiirrada, kaasoo looga hadlay sidii loo sameyn lahaa hay’ad la socota halka ay ku baxaan deeqaha uu caalamku siiyo Soomaaliya.

Daafeet.Com