Ciidamada Dowlada oo maanta baaritaan ka bilaabey degmada Kaaraan

0
29

baritanCiidamada dowladda oo isugu jira Nabadsugid, Boolis iyo Militari ayaa saaka waabarigii ku jarmaaday xaafado katirsan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir,waxayna ciidamadu howlgalladaasi ku qabqabteen dad u badan dhalinyaro.

Taliyaha ciidamada booliska gobolka Banaadir Jen: Axmed Xasan Maalin oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in saaka aroortii ay howlgallo ammaanka lagu xaqiijinayo ka bilaabeen xaafado katirsan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Masuulkani ayaa sheegay in xaafadaha ay howlgallada ka socdaan ay kamid tahay xaafadda Jamhuuriya oo uu xusay in maalmihii u danbeeyay laga soo sheegayay falal amni darro oo ay geystaan kooxo hubeysan oo xilliyada habeenkii ah dadka isbaareysta, wuxuuna xusay in howlgallada ay ku qabqabteen dad badan oo looga shakisanyahay falalkaasi amni darro.

Ciidmaada nabdsugidda, Booliska iyo Militariga oo iskaashanaya ayaa maalmihii u danbeeyay howlgallo ballaaran ka waday degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir, waxaana howlgalladani ay qeyb ka yihiin dadaallada ay dowladda Soomaaliya ugu jirto xaqiijinta ammaanka magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Daafeet.Com