Laba Askari oo shaley lagu diley Degmada Afgooye

0
28

deg AfgooyeLaba askari oo ka mid h ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa shalay lagu dilay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose sida ay saxaafadda u sheegeen saraakiisha ammaanka ee degmadaas, iyadoo mid kalena lagu dhaawacay isla weerarkaas.

Sarkaal u hadlay ciidamada ammaanka ee Afgooye ayaa saxaafadda u sheegay maanta in labada askari ee la dilay oo kala ahaa booliis iyo minishiibiyo iyo askariga kale ee la dhaawacay laga qaatay saddexdii qori ee ay haysteen.

“Weerarkan waxaa geystay kooxo Al-shabaab ka tirsan, waxaana laga soo abaabulay tuulo 30-km dhinaca koonfureed kaga beegan degmada Afgooye,” ayuu yiri sarkaalka u hadlay ciidamada ammaanka degmadaas, isagoo intaa ku daray inay socdaan baaritaanno lagu raadinayo kooxahaas.

Xarakada Al-shabaab ayaan ka hadlin toogashadaas, iyadoo goobjoogaha la hadlay HOL uu sheegay in kooxihii weerarka geystay ay sidoo kale horay u sii qaateen lacag ay ciidamadaas ka ururiyeen suuqa xoolaha Afgooye.

Daafeet.Com