Xarakada Alshabab fariin adag u dirtey Dowlada kenya

0
63

alshabaXarakada Al-shabaab ayaa war ay soo saartay Arbacadii shalay ku sheegtay inay dilayso la haystayaasha Kenyanka ah ee ay gacanta ku hayso, haddi dowladd Kenya aysan xabsiyadeeda kasii dayn dhammaan dadka u xirxiran eedeymaha argagaxisonimada ee ku jira xabsiyadooda.

Al-shabaab oo wabixinteedan soo dhigtay barta Twitter-ka ay ku leedahay ayaa ku sheegtay in go’aankooda ay ku dhaqaaqi doonaan 14-ka bisha soo socota ee Feberaayo, haddii la fulin waayo dalabkooda.

Sidoo kale, waxay ugu baaqday Kenya inay ka fogaato in muslimiinta ku xiran xabsiyadeeda ay u wareejiso Uganda oo xarunteeda Kampala ay ka dhaceen bishii July ee sannadkii 2010 ay ka dhaceen qaraxyo waaweyn oo ay ku dhinteen ugu yaraan 74-qof oo ciyaaro daawanayay.

Xarakada Al-shabaab ayaa shaacisay cajalad muuqaal ah oo ay ugu magic-dartay fariintii ugu dambeysay, taasoo ay kasoo muuqdeen muuqaallada laba ruux iyo sawirrada afar kale oo ay ku sheegeen inay dhammaantood yihiin la-haystayaal Keyan ah.

la heystayal kyn

Lixdan qof ee ay Al-shabaab sii daysay muuqaalladooda iyo sawirradooda ayay ku sheegtay inay isugu jiraan laba qof oo ahaa shaqaale xukuumadda Kenya u shaqeynayay iyo askar Kenyan ah oo ay ku qabsadeen gudaha Soomaalia.

Daafeet.Com