Xulka Kubada Koleyga Somalia oo caawa kaga bediyey 96-80 xulka dalka Burundi

0
55

kubada kCiyaar aad u xiiso badneyd oo ay Xulalka Kubadda Kolayga Soomaaliya iyo Burundi isaga horyimaadeen ayaa gunaanadkeedii waxay natiijadu noqotay 96—80 dhibcood, taasi oo uu ku badiyay xulka qaranka Kubadda Kolayga Soomaaliya.

Xulka Qaranka Kubbadda Kolayga Soomaaliya oo ah mid aad isugu xiran, isla markaana ay ciyaartoyda aad isula qabsadeen ayaa waxay qeybtii hore ee ciyaarta la yimaadeen 50 dhibcood, halka xulka Burundina uu la yimid 40 dhibcood, halkaasina waxaa ka muuqata in xulka Soomaaliya uu badiyay isagoo weli ka gacan-sarreeya xulka Burundi.

Ciyaartoyda xulka Soomaaliya oo ka yimid dalalka USA, Canada, Australia iyo Somalia ayaa waxay yihiin kuwo calanka Soomaaliya difaacaya, isla markaana la soo baxay karti iyo ciyaar xirfadeysan, Sida eynu ku wada aragno natiijooyinka ey kala soohooyanayaan caraayaha ilaa iyo imanka dhacay.

Guusha Xulka Qaranka Kubbadda Kolayga Soomaaliya ayaa waxay tahay tii labaad, wuxuuna xulku xalay ka badiyay xulka dalka Kenya oo uu uga adkaaday 81—78, waxaana rajo wanaagsan laga qabaa in ciyaartoyda Soomaaliya ay natiijo wanaagsan ka keeni doonaan tartanka Fiba Zone V ee sanadkan lagu qabtay dalka Tanzania.

 

Daafeet.Com