Dalka ingiriiska oo lacag fara badan ku bixiyey la dagaalanka burcad badeeda

0
38

pirateDalka ingiriiska ayaa waxaa uu ku bixineysaa lacag dhan £2.2m dadaalka caalamiga ah ee lagula dagaallamayo burcad badeedda Soomaalida.

Lacagta waxaa loo isticmaali doonaa in lagu dhammeystiro xabsi cusub oo dhismihiisu uu ka socdo magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland iyo taakuleynta mashruuc lagula tacaalayo musuqmaasuqa ka jira nidaamka ciqaabta dambiilayaasha ee Soomaaliya.

Xabsiga dhismihiisu ka socdo Garoowe ayaa la sheegay in lagu hayn doono burcad badeedda la xukumay.

Lacagta waxay lagu wareejinayaa xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan la dagaallanka daroogada iyo dambiyada ee UNODC.

Mas’uul ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda, Alistair Burt ayaa sheegay inay yaraadeen weerarradii burcad badeedda Soomaalida , balse wuxuu walaac ka muujiyay suurta-galnimada inay dib u soo kacaan weerarrada burcad badeedda.

Daafeet.Com