Kulankii wadamada carabta ee ka dhacayey dalka sacuudiya oo lasoo gabagabeeyey

0
55

carabShirkii wadamada carabta ee looga hadlaayey dhaqaalaha wadamada carabta ee ka socday dalka Sacuudi Carabiya gaar ahaan Magaalada Riyaad ayaa la soo gaba gabeeyay goordhaweyd iyadoo arimo dhowr ah looga wada hadlay.

Sirkaasi ayaa waxaa looga hadlayey sidii loo taageeri lahaa wadamada carabta ee dhaqaalahooda liita iyo arimo kale oo dhowr ah.

Kulankaas waxaa qudbad ka jeediyey maddaxweynaha dowlada federalka somaliya Mudane Xasan Sheekh taasoo uu dirada ku saarayey arimaha dalka somaliya iyo marxalada uu haatan ku sugan yahay wadanka iyo iney garab istaagaan wax u qabashada dalka somaliya madama uu mudo dheer ku jirey dagaal.

Gabagabadii kulanka ayaa wadamadii kasoo qeyb galey shirkan waxaa ey isku afgarteen in taageero buuxda loo fidiyo dalka somaliya iyo wadamada kale ee ka tirsan jaamacada carabta oo aan waxba heysan.

Daafeet.Com