Wafdi ka socda UNPOS oo gaarey Magalada Baydhaba

0
32

baydhabo2Wafdigan ka socday xafiiska UNPOS oo soo gaaray magaalda Baydhabo ee xarunta Gobolada Koonfurta Soomaaliya ayaa kulan laqaatay qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka ee gobolada Koonfurta Soomaaliya.

Kulankaasi ayaa sidoo kale waxaa kasoo qeyb galey Mamulka Gobolka Baay iyo Siyaasiyiin caan ka ah Koonfurta Soomaliya waxayna iskula soo qaaden kulankooda arimo dhowr ah ugu horeyso Dowlad goboleedka dhawaan la rabo in lagu dhawaaqo Iyo guud ahaan iskaashi la xiriiro arimaha Bulshada.

Ugu horeyn waxa meeshaas ka hadlay Gudoomiyaha gobolka Baay mudane C/fitaax Ibraahim Geesey waxaana uu tilmaamay in loo bahan yahay wada shaqayn rasmi ah oo dhaxmarto qeybaha kala duwan ee kunool Koonfurta Soomaliya.

Wuxuuna intaasi ku daray in ay dhankooda balan qaadayaan iskaashi balaaran xafiisyada QM xili haatan ay ka gudubtay dowlada nidaamkii KMG ahaa una gudubtay Jamhuuriyad Federaal.

Sidoo kale waxaa ka hadlay goobta Suldaan Warsame Suldaan Ibraahim wuxuuna sheegay dadka ku dhaqan koonfurta Soomaaliya labaatankii sano lasoo dhaafay loo gaysanaayay tacadiyo ka dhan bani’aaddanimada waxaana uu qeexay in ay ku dhaqmi doonan nidaamka federaalismka u degsan Dastuurka Qaranka.

Waxa kaloo hadlay Aqoonyahan Cabdi Aadam Hoosow oo xubin ka ah gudiga farsamada Maamul u Sameynta gobolada Koonfurta wuxuu sheegay in ay ka go’an tahay sidii looga samayn lahaa dowlad goboleed ay yeeshaan Lixda Gobol ee Koonfurta Soomaliya, wuxuuna hadalkiisa sii raaciyay in qabaa’ilada kale ee dega gobolada ay iyagana talado wax ku leyihiin.

Ugu danbayntii waxaa goobta kahadlay sarkaal kasocday xafiiska UNPOS oo tilmaamay in ay martiqaad ka helaan Gudiga Farsamda ayna Indha Indheyn ku sameeyeen sida ay wax u socdaan, ayna gacan ka gaysan doonan waxkasta oo Bulshada dan u ah.

bay1 (2)

bay2 (1)

bay3 (2)

bay4 (2)

bay5 (1)

bay6 (2)

bay7 (1)

bay8 (2)

bay9 (1)

bay10 (2)

bay11 (1)

Daafeet.Com