Maddaxweynaha Dowlada Federalka Somaliya oo xaley gaarey dalka Sacuudiga

0
27

xasanMadaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dhawaanahan safar ku joogay dalka Mareykanka ayaa xalay gaaray magaalada Riyaadh ee dalka Saudi Arabia, halkaasoo madaxweynuhu uu uga qaybgeli doono shir looga hadlayo dhaqaalaha dalalka Carabta.

Shirkan ayaa noqonaya kii saddexaad oo ay dalalka Carabta isugu yimaadaan tan iyo sannadkii 2009, waxaana sannadkan lagu soo qaadi doonaa maalgeshiga iyo dhaqaalaha dalalka Carabta.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Maxamuud Xasan Suleymaan oo ka mid ah xubnaha ka socda dowladda Soomaaliya ee sugan Sucuudiga ayaa sheegay in Soomaaliya ay Carabta u gubisay in laga caawiyo sidii ay ula soo bixi lahaayeen khayraadka dalkooda ku jira.

Dalalka Carabta ayaa lagu wadaa inay dib u eegis ku sameeyaan xaaladda dhaqaale ee Soomaaliya, kaddib markii Mareykanka uu aqoonsaday dowladda Soomaaliya oo ah mid rasmi ah oo dalka ka jirta tan iyo sannadkii 1991 oo la riday dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Daafeet.Com