Odayaasha Afgooye"Waa la haystaa Anaga iyo Beeraheenaba"

0
25

afgoyRa’isul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hogaminayo ayaa shalay waxay booqo ku tageen degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha hoose.

Wefdiga Ra’isul Wasaaraha ayaa waxay degmada Afgooye gaar ahaan beerta Sheekh Zaa’id kulan kula yeesheen qaybaha kala gedisan ee bulshada ku dhaqan degmada oo ay u horeeyaan Odayaasha dhaqanka, waxgaradka, mas’uuliyiinta dowlada ee degmada Afgooye iyo kuwa gobolka Sh/hoose.

Odayaasha iyo waxgaradkii la kulmay Ra’iisal Wasaaraha ayaa si aan gabasho lahayn waxay dacwad ugu gudbiyeen Ra’isul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyagoo si cad ugu sheegay ra’isulwasaaraha in reer Afgooye ay lahaystayaal yihiin isla markaana ayan xor u ahayn maamulkooda iyagoo sidoo kalena hoosta ka xariiqay faragelinta reer Muqdisho ay ku hayaan degmada Afgooye iyo dadkeeda.

Hadaba hoos ka dhegayso Wasiirka arimaha Gudaha iyo Ra’isulwasaaraha oo jawaab siinaya reer Afgooye.

Wasiirka Arimaha Gudaha

Ra’isulwasaaraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya