Maamul Goboleedka Puntland oo soo dhaweeyey aqoonsiga dowlada Federalka ka heshey Dalka Mareykanka

0
34

puntlandMaamulka goboleedka Puntland ayaa soo dhoweeyay aqoonsiga ay dowladda Federaal Soomaaliya ay ka heshay dowladda Maraykanka.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada maamul goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in go’aanka uu Maraykanka ku aqoonsaday dowladda Soomaaliya ay tahay tallaabo taariikhi ah oo horumarinaysa xiriirka Soomaaliya iyo Maraykanka.

Puntland waxay sheegtay inay door wayn ka qaadatay inay Soomaaliya ka baxdo KMG-nimadii iyo geeddi-socodkii nabadda.

Maamulka Puntland waxay Maraykanka iyo waddadama kale ku boorrisay inay sii wadaan taageerada Soomaaliya ee arrimaha nabadda, gargaarka bini’aadannimo.

Daafeet.Com