Wasiirka wasarada arimaha gudaha oo ugu baaqey degmo walba iney soo xulato dadkii maamuli lahaa

0
31

w gudahaXukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in ay qaadatay barnaamij cusub oo sida ay sheegtay wixii hadda ka danbeeya lagu soo dhisi doono maamulada deegaannada gobollada iyo degmooyinka dalka.

Wasiirrka wasaarrada arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka xukuumada Soomaaliya C/kariin Xusseen Guulleed ayaa sheegay in uu soo dhamaaday sida uu hadalka u dhigay xiliyadii xafiiska wasaarrada arrimaha gudaha laga soo magacaabi jiray maamulada degmooyinka.

Waxaa uu sheegay in looga baahan yahay dadka deegaannada maamulada sameysanaya iyaga la tashi dhaxdooda ah sameeyaan, iskana soo dhax saaraan shaqsigaa hogaamin lahaa oo ay dowladda kula shaqeyn doonto sida uu hadalka u dhigay.

“Dowladda waa federaal, dastuurka ayaa dhigaya, waxaa soo xulaneysaan dadka berri idinka idin maamulaya, anagana waa idin saxiixeynaa, talada Afgooye xamar kama imaaneyso, xuquuqdiina laguma tumanayo”ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha oo waqtigaa la hadllayay dadka degmada Afgooye.

Si kastaba arintu ha ahaatee dowladihii hore ee kumeel gaar ahaa ee soo maray dalka ayaa waxaa ey magalada muqdisho ka magacaabi jireen maamulada ka shaqeeya gobolada iyo degmooyinka dalka, arintan uu ku dhawaaqey wasiirka ayaa mid dhiiri gelineysa shacabka ku nool gobolada dalka.

Daafeet.Com