Hogaamiyaha Xisbiga Ucid oo sheegey aqoosiga la aqoonsadey Somaliya Iney dhabar jab ku noqoneyso Somaliland

0
24

faysal-cali-waraabeHogaamiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay aqoonsiga dowladda Mareykanka ay siiyey dowladda Soomaaliya markii ugu horeysay muddo ka badan 20-sano, isagoo la hadlayey xalay BBC-da ayuu Faysal Cali wuxuu yiri “Arrintaas waxay dhabar jab xoogan ku tahay maamulka Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo”, wuxuu kaloo sheegay in arrintaas ay wiiqeyso dedaalka maamulka Somaliland uu ku raadinaayo aqoonsi in ay yihiin dal madaxbanaan oo ka ga’ay Soomaaliya inteeda kale.

Guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa waxaa kaloo uu sheegay in maamulka hadda jiray uu ku fashilmay siyaasadda dhinaca dibadda, loona baahan yahay in la qabto kulan looga hadlayo badbaadinta Somaliland, wuxuu kaloo Faysal Waraabe tilmaamay in wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Cabdulaahi Cumar uu isaga un noqday nin wax-walba sameeya oo xittaa wax yaabaha uu oranayo uusan kala tashan xukuumadda isagaa dad waynaha reer Somaliland sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Feysal Cali Waraabe ayaa ku soo beegmaya iyadoo Khamiistii la soo dhaafay dowladda Maraykanka ay si rasmi ah u shaacisay in aqoonsantay dowladda Soomaaliya isla markaana Soomaaliya ay tahay dal mideesan.

Waxa kaloo xukuumadda Washington daaha ka qaaday in uu dhammaaday siyaasadda labo geesoodka ee Dual Policy taasoo ahayd in dowladda Soomaaliya gooni loola tacaamulo maamulada dalka ka jirana si gooni ah loo wajaho.

Daafeet.Com