Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Xaji oo dalka dib ugu soo laabtey

0
30

faqiWafdi uu hogaaminayo wasiirka gaashaandhiga dalka Soomaaliya ayaa maanta dib ugu soo laabtey Magaalada Muqdisho kadib markii uu shir looga hadlayey ammaanka uu kaga soo qeybgalay dalka Turkiga.

Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo saxaafada la hadley ayaa sheegay in shirka uu kaga soo qeybgalay dalka Turkiga looga hadlaye sidii Soomaaliya looga caawin lahaa dhanka tababarida ciidanka Dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in la isku afgartay shirkaasi sidii dib u dhis ballaaran ciidanka loogu sameyn lahaa sidoo kalena Dowladda Turkiga ay hogaaminayso qorshe ballaaran oo ciidanka Dowladda dib loogu dhisayo.

Shirka ka dhacay dalka Turkiga ayaa wuxuu ahaa shir ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen IGAD QM iyo sidoo kale xubno kale oo ka socday beesha caalamka.

Daafeet.Com