Qaar ka mid ah Somalida ku nool Mannisota oo ku banan baxay Madaxweynaha Dowlada Federalka Somali Xasan Sheekh

0
72

bananbaxMagaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ayaa waxaa ka dhacay banaanbax ay dhigeen kooxo taagersan ciidamada raskambooni, kaasoo looga soo horjeeday Siyaasada Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Banaanbaxa ayaa waxa uu ka dhacayay meel aan sidaa uga fogeyn halka uu Madaxweyne Xasan kula kulmayey Jaaliyada Soomaaliyeed ee Magaalada Minneapolis.

Banaanbaxan ayaa mid looga soo horjeedo maamul u sameynta magalada kismaanyo taasoo ey dowlada ku dhawaaqdey in gobolka loo sameeyo maamul ay ku jiraan cid walboo meesha degta.

Banaanbaxan ayaa waxaa kasoo qeyb galy dad aan sidaa u badneyn oo lagu qiyaasey 50 kuwaas oo sitey boorar ku qoran, Weynu ogolnahay maamulka federalka weynu ogolnahay in gobol walba uu isaga tashato Muqdishana waa iney noqotaa caasimada somalidoo dhan ee oo eysan noqon  magalo ey leedahay kooxo gaar ah.

Daafeet.Com