Wasiirka Arimaha Gudaha oo ka hadley soo celinta Bilicda magalada Muqdisho iyo gobolada dalka oo dhan

0
30

w gudahaWasiirka arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka Xukuumadda Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday todobaad loogu magacdaray ololaha Nadaafada qaranka.

Wuxuu sheegay in 26-Bisha Janaayo ilaa iyo 31 Xukuumadda ay sameynayso todobaadka ololaha Nadaafada qaranka taasi oo looga gol leeyahay soo celinta Nadaafada Muqdisho iyo Gobalada dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in todobaadka ololaha Nadaafada Gobalada dalka iyo Magaalada Muqdisho ay hogaamin doonaan Guddi qaran oo ay ku jiraan wasiiro.

Dhamaan wuxuu sheegay in la jaraayo geedaha sida aan wanaagsaneyn uga baxay dalka Soomaaliya iyo hareeraha wadooyinka si nadaafada Gobalka loogu dadaalo.

 

Daafeet.Com