Madaxweynaha dalka Somaliya oo si diiran loogu soo dhaweeyey Magalada Minnesota

0
28

MN_SOMMadaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Mareykanka ayaa xalay kula hadlay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota dadweyne Soomaaliyeed oo tiradoodu ahayd in ka badan 5,000 oo qof.

Madaxweynaha ayaa ka jeediyay hoolka shirarka ee magaalada Minneapolis khubad socotay muddo 50-daqiiqo ah, taasoo uu kaga hadlay qodobo dhowr ah oo ku saabsanaa howlaha u qabsoomay dowladdiisa iyo kuwa horyaalla.

“Safarkii aan ku imid Mareykanka wuxuu kusoo dhammaaday guul, waxaana dowladda ugu weyn Adduunka ay albaabbada u furtay Soomaaliya, wayna aqoonsatay,” ayuu madaxweynuhu ku sheegay hadalka uu ka jeediyay Minneapolis, isagoo intaas ku daray in aqoonsigan uu u horseedayo Soomaaliya inay dib ugu soo laabato saaxada caalamka oo ay muddo dheer ka maqnayd.

Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray inay booqdeen intii ay Mareykanka joogeen wasaaradaha gaashaandhigga iyo arrimaha dibadda, isagoo xusay in wasaaradda gaashaandhigga ay kala hadleen ammaanka labada dal.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay maamul u sameynta dalka, isagoo sheegay in dacaayado badan arrintaan laga fidiyay, sida inuu amray in gobollada Bay iyo Hiiraan ay maamullo sameystaan, gobollada Jubbooyinka maamul loo sameynayo, taasoo uu ku sheegay inay tahay been la dhoodhoobay.

“Waxaa naga go’an in federaalka la gaarsiiyo dalka oo dhan, balse waxaa jira qodobbo ku saabsan habka federaalka oo uusan ka hadlayn dastuurka sida habka loo qaybsanayo khayraadka dalka, arrimahaas la xalliyo waxaan habka federaaliisimka gaarsiin doonnaa meel walba oo dalka ka tirsan,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Dhanka kale, madaxweynaha wuxuu ka hadlay xiriirka Soomaaliya iyo dalalka dariska ah u dhexeeya, isagoo xusay in dalalka dariska ah, sida Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti uu kala dhexeeyo xiriir wanaagsan, ayna sii xoojin doonaan xiriirradaas.

Gobolka Minnesota ayuu sheegay inuu yahay gobolka ay ku nool Soomaalida ugu badan ee Mareykanka ku nool, isagoo xusay inay ka furi doonaan qun-suliyad u adeegta shacabka Soomaaliyeed ee Minnesota ku nool.

Daafeet.Com