Madaxweynaha Dalka Mareykanka oo sheegey iney ku lug lahaayeen dagaalkii Buul-Maree

0
45

obama1Madaxweynaha Dalka Mareykanka oo Warqad u qoray Labada Gole ee Dalkaasi ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay ka qeyb qaateen Howlgalkii fashilmay ee ka dhacay Soomaaliya, gaar ahaan Degmada Buulo Mareer ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Obama ayaa sheegay in si Toos ah ugu lug lahaayeen Howlgalkaasi ka dhacay Buulo Mareer, wuxuuna sheegay in ciidamada Mareykanka ay farsamada ka caawiyen ciidamada Faransiiska.

Warqada uu Obama u qoray Labada Gole ee Mareykanka ayaa shaacday, waxaana uu sheegay in Mareykanka ay Diyaarad dagaal kaga qeyb qaateen Howlgalkaasi, si ay uga taageeraan dhanka hawada hadii loo baahdo, balse wuxuu xusay inaan loo baahan.

Ciidamada Faransiiska iyo kuwa ka tirsan Mareykanka ayaa ku fashilmay Habeenki sabtidii inay soo furtaan la heyste u dhashay Faransiiska, waxaana ciidamada Faransiiska looga dilay howlgalkaasi Labo Askari.

Daafeet.Com