Wafdi ka Socda Dalka Jabuuti oo Gaaray Magaalada Beledweyne

0
49

Wafdi balaaran oo ka socday dowladda Jabuuti oo uu hoggaaminayo wasiirka wasaaradda difaaca dalkaasi ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Xubnahan wafdiga ah ee ka socda dowladda aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa waxaa hoggaaminayo wasiirka wasaaradda gaashandhiga Jabuuti C/kariim Maxamed Kaamil, taliyaha hay’adda nabad sugida dalka Jabuuti Xasan Saciid, abaanduulaha ciidamada Sakariye Sheekh Ibraahin iyo mas’uuliyiin kale.

Mas’uuliyiinta ka socotay dowladda Jabuuti ayaa waxaa garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada B/weyne ku soo dhaweeyay maamulka gobolka Hiiraan, saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa ka socda dalka Jabuuti ee ku howlgala magaca AMISOM.

Waxaana wafdiga ka socday jamhuuriyadda Jabuuti loo galbiyay xarunta ay dagan yihiin ciidamada ka socda walaalaha Jabuuti ee fariisinka ku leh deegaanka Ceel Jaale ee duleedka magaalada B/weyne.

Daafeet.com