Kenya oo laga Cabsi Qabo in ay ka Dhacaan Dagaal Doorashooyinka Dhici doona Sanadka 2013

0
16

Dawlada Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday inay maalgelineyso barnaamij cusub oo dhalinyarada wadanka Kenya lagu abaabulayo si ay uga hortagaan rabshado ku saleysan qabyaalad oo laga cabsi qabo in gudaha wadanka Kenya ay ka dhacaan waqtiga doorashada madaxtinimada oo ku beegan bisha Maarso 2013.

Barnaamijkan cusub oo ay maalgelineyso Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa loogu magacdaray “Xasilinta iyo Xallinta Khilaafaadka” waxaana Kenya ay ka mid tahay wadamada mashruucan laga fulinayo.

Kaaliyaha Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka Rick Barton ayaa sheegay in mashruucan looga gol leeyahay in lagu abaabulo laguna wacyigeliyo dadka dhalinyarada ee laga yaabo inay la kala saftaan dhinacyada siyaasadda iyagoo hab qabyaalad ah ku taageeraya, isla markaana taasi ay horseedi karto in rabshado dhiig ku daato oo la mid ah kuwii sanadkii 2007 ka dhacay wadankaasi ay markale dhacaan.

Gudaha Kenya, waxaa sanadka soo socda horraantiisa looga diyaargaroobayaa doorasho madaxtinimo oo ay ku tartamayaan siyaasiyiinta haatan dawlada ku jira iyo kuwa dibadda ka ah kuwaasoo ka soo jeeda qabiilo kala duwan. Waxaana sida warbaahinta Kenya sheegeyso cabsida ugu weyn laga qabaa in qabiilada Kukuyada iyo Kalinjinka oo ay ka soo kala jeedaan madaxweynaha iyo raysul wasaaraha ay markale isku dhacaan.

Labadan qabiil ayaa ahaa kuwii ay u dhexeeyeen rabshadihii ka curtay doorashadii lagu murmay ee sanadkii 2007 halkaasoo ay ku dhinteen dad boqollaal kun gaaraya ayna ku barakeceen malaayiin ruux.

Mashruucan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah wadaada Kirishtaanka in iyaguna lagu wacyigeliyo sidii ay dadka uga digi lahaayeen rabshadaha, laguna dhiirigeliyo in doorashada natiijada ka soo baxda la aqbalo.

Daafeet.com