C/xakiin Xaaji Fiqi: Jabuuti iyo Ethiopia waxa ay Noo Balan Qaadeen in ay naga Caawiyaan Dhismaha Ciidamada

0
27

Wasiirrka wasaarrada gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya C/xajiin Xaaji Max’uud Fiqi oo ka mid ahaa wafdigii madaxweynaha Soomaaliya ee tagay dalalka Jabuuti iyo Itoobiya ayaa sheegay in ay mas’uuliyiinta labada dowladood u balan-qaadeen in ay ka caawinayaan dhismaha ciidamada.

“Dalalka Jabuuti iyo Itoobiya waxay naga caawinayaan dhimasha ciidamada qalabka iyo dagaalka aan kula jirno Al-shabaab oo caqabad ku ah nabadgalyo ka hirgasha Soomaaliya,” ayuu yiri C/xakiin Fiqi oo intaas ku daray inuu kulammo la yeeshay wasiirrada gaashaandhigga dalalkaas.

Waxaa uu sheegay sidoo kala wasiirrka in labada dowladood ay la soo galeen hishiisyo ay ku caawinayaan dowladda Soomaaliya, isaga oo sheegay in dhamaan madaxdii ay is arkeen siweyn u bogaadiyeen guusha ay umadda Soomaaliyeed ku talaabsadeen.

‘’Dadaal weyn ayaa ugu jirnaa sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo mar ahaan jiray ciidamada ugu xoogga badan qaarada, runtiina qorshaasi waa uu socdaa ayuu yiri,’’ wasiirrka.

Dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Xassan Shiikh Max’uud ayaa noqoneysa dowladdii ugu horeysay ee rasmi ah oo dalka ka her gasha tan iyo markii ay bur burtay dowladdii dhexe sanadii 1991.

Daafeet.com