Ururka Suuqa Xorta ee Bariga Africa EAC oo Tixgaliyay Codsi uga Yimid Soomaaliya

0
28

Shirweynaha ururka ay ku mideysan yihiin bulshada bariga Africa ee lagu magacaabo EAC ayaa laga soo dhaweeyay codsi ugu yimid dowladda Soomaaliya oo ahaa ka mid noqoshada ururkaas.

Xog-hayaha guud ee shirweynaha bulshada bariga Africa ayaa soo dhaweeyay codsiga dowladda Soomaaliya ah in ay ku biirto ururka, waxaana uu sheegay in laga sugayo oo kaliya dowladda Soomaaliya in ay soo buuxiso sharuudo looga baahan yahay.

‘’Shirweynuhu waxaa uu soo dhaweynayaa codsiga Soomaaliya ee ka mid noqashada ururka, waxaana arintaa ka wada hadlli doona gollaha wasiirrada ku bahoobay suuqa bariga Africa kuwaasoo shir yeelan doona 15 bisha Febraayo ee nagu soo foolka leh.

Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhigaya  dalka Kenya Max’ed Cali Ameeriko oo wax laga weydiiyay sida ay u arkaan go’aanka uu shirku gaaray waxaa uu sheegay ay siweyn u soo dhaweynayaan.

“Aad iyo aad ayaan u soo dhoweynaynaa, waxaa fileynaa in shirka 15aad lagu ansixin dooni, in dowladda Soomaaliya ka mid noqoto wadamada suuqa bariga Afrika, waxaa aaminsanahay in dowladda ka soo bixi doonto shuruudaha si ay uga mid noqoto”ayuu yiri Maxamed Cali Ameeriko.

Wasiirka wasaarrada arrimaha dibada ahna ra’iisal wasaare ku-xigeenka xukuumada Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa dhawaan booqashadii ay ku tagtay magaalada Nairobi waxaa ay dowladda Kenya kaga dalbatay in ay gacan ku siiso sidii ay Soomaaliya uga mid noqon laheyd ururka.

Daafeet.com