Iska hor imaad ka dhacay duleedka degmada Xudur

0
30

Iska hor imaad sababay khasaarooyin kala duwan ayaa ka dhacay nawaaxiga degmada Xudur ee gobolka Bakool, iyadoona dagaalku uu u dhexeeyay xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Dagaalkan oo ay labada dhinac isu adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda ay weerar qorsheysan ku qaadeen saldhigyo ay Al-shabaab ku lahaayeen

Ilaa imika lama garanayo khasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray labada dhinac, haseyeeshee saraakiil katirsan ciidamada dowladda oo warbaahinta la hadlay ayaa guulo ka sheegtay dagaalka.

Gudoomiyaha gobolka bakool ee dowladda federaalka Soomaaliya Max’ed Cabdi Mayoow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalka ay iyagu qaadeen, wuxuuna sheegay in xoogagga Al-shabaab ay u geysteen khasaarooyin lixaad leh.

Daafeet.Com