Ahlusuna iyo dowlada oo ku hishiiyey in la qarameeyo ciidamada Ahlusuna ee gobolka Galgaduud

0
46

Maamulka gobolka Galgaduud ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in heshiis la xariira qaramaynta ciidamada ay la gaareen maamulka Ahlu Sunna ee gobollada dhexe.

Guddoomiyaha gobolka Galgaduud ee dowladda Soomaaliya Axmed Yuusuf Xasan (Ciyow) ayaa sheegay in labada dhinac ay isku af-garteen in ciidamada Ahlu Sunna lagu biiriyo ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ciyow waxa uu sheegay in wafdi ka socda dowladda Soomaaliya ay tagi doonaan gobolka Galgaduud, si loo amba qaado howsha ciidamada lagu qaramaynayo, isagoo xusay in dowladda ay la wareegeyso mas’uuliyadda xuquuqdooda ciidan.

Ku dhowaad kun askari ayuu sheegay in ay hadda u diyaarsan yihiin in lagu biiriyo ciidamada ciidamada qaranka, gobolkana ay ka howlgalaan.

Daafeet.Com