Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Xaaji oo sheegey in Itobiya iyo Somalia iska kashan doonaan Dhaqaalaha iyo Amniga

0
43

Dowladaha Soomaaliya iyo Dowlada Ethiopia ayaa isku af-gartay inay yeeshaan iskaashi la xiriira amniga iyo dhaqaalaha.

Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdixakiin Xaaji Maxamuud (Fiqi) oo ka mid ah wafdiga madaxweynaha ee Ethiopia ku jooga booqashada rasmiga ah ayaa sheegay in guddi wasiirro ah loo saarayo iskaashiga dhaqaalaha Soomaaliya iyo Ethiopia.

Guddiga ayuu sidoo kale sheegay inay iska kaashan doonaan xasilinta Soomaaliya, iyadoo kulanka ugu horreeya ee guddiga lagu qabanayo magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Wasiir Cabdixakiin Xaaji Maxamuud (Fiqi) waxa uu sheegay in Ethiopia ay ballan-qaaday tababarka saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Daafeet.Com