Reysulwasaraha Dowlada federalka somaliya oo maanta kuulan la qaatey safiirka midowga yurub u qaabilsan somaliya

0
35

Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya waxaa maanta soo gaaray wafdi uu hogaaminaayo safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya u qaabilsan Michel Carves Deurso oo kulan la qaateen Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo sidoo kale Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa markii uu soo dhamaday si wadajir ah saxaafada warbixin uga siiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Safiirka Midowga Yurub ee dalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa ugu horeyn saxaafada la hadlay kaasi oo sheegay in waxyaabaha ay kawada hadleen safiirka ay kamid yihiin sidii la isaga kaashan lahaa dhanka ammaanka dhaqaalaha.

Michel Carves Deurso Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub ayaa dhankiisa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay kulanka uu maanta la qaatay wasiirada cusub ee Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka.

Wuxuu sheegay in intii uu socday kulanka la isku soo hadal qaaday arimo dhowr ah oo ay kamid yihiin sidii Dowladda Soomaaliya looga gacan siin lahaa ammaanka Magaalada Muqdisho iyo dhanka dhaqaalaha.

Daafeet.Com