Maddaxweynaha Dowlada Fedralka oo la kulmey maddaxweynaha dalka Jabuuti

0
128

Madaxweynaha dowlada federalka  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku jooga dalka Jabuuti ayaa maanta kulan la qaatay dhiggiisa dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulanka uga warbixiyay ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah kuwa Midowga Afrika ee ka howlgalaya Soomaaliya.

Wafdiga madaxweynaha oo ay ku jiraan wasiirka gaashaandhigga Cabdixakiim Maxamuud Xaaji Fiqi iyo la-taliyaha madaxweynaha xildhibaan Faarax Sheekh Cabduqaadir ayaa garoonka diyaaradaha ee Jabuuti shaley ku soo dhoweeyay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, raysul wasaaraha Jabuuti Dilleyte Maxamed Dilleyte iyo wasiirro kale.

Wafdiga Soomaaliya ka socda ayaa lagu wadaa maanta gelinka dambe in ey u kicitamaan dalka Itoobiya.

Daafeet.Com