Afhayeenka Amisom Col Cali Adan oo sheegey in cidamada Itoobiyanka ee ku sugan Beledweyne ey ka bixi doonaan

0
31

Afhayeenka ciidamada AMISOM, Col. Cali Aadan Xumud ayaa sheegay in ciidamada dalka Itoobiya ee ku sugan Baladweyne ay dib ugu laaban doonaan xuduudda ay Soomaaliya iyo Kenya wadaan markii ay ciidamada Jabuuti kala wareegaan howgalka.

Col. Xumud oo la hadlayay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada dalka Jabuuti lasoo dhameystiro toddobaadka soo socda si ay ula wareegaan howsha ka socota gobolka Hiiraan, markaas kaddibna ay ciidamada Itoobiya u baxaan.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay inay toddobaadyada soo socda ay soo gaari doonaan Muqdisho ciidammo ka socda dalka Sierra Leone kuwaaso qayb ka noqon doona howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Ciidamada Itoobiya oo deegaanno ka mid ah Soomaaliya ku sugan ayaan qayb ka ahayn howgalka AMISOM, waxaase ay sheegeen inay u joogaan dalka sidii ay uga taageeri lahaayeen dowladda Soomaaliya dagaalka ay kula jirto Al-shabaab.

 

Daafeet.Com