Maddaxweynaha Dowlada federalka somaliya oo safar ugu ambabaxay dalalka deriska

0
30

Madaxweynaha dowladda Federalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta safar ugu ambabaxay dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya oo daris la ah Soomaaliya, waxaana safarkiisa ku wehliya xubno ka tirsan dowladda.

Dalalka uu madaxweynuhu safarka u aaday ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga ciidammo qayb ka ah howgalka AMISOM iyo kuwo aan qayb ahayn, isagoo madaxda dalalka kala hadli doono arrimaha Soomaaliya.

Madaxweynaha oo safarkiisa uu qaadan doono muddo hal toddobaad ah ayaa wuxuu ku hormari doonaan dalka Jabuuti, isagoo halkaas kula kulmi doono madaxda dalkaas, sidoo kalena wuxuu booqan doonaa dalka Itoobiya, isagoo ugu dambeynna tegi doona dalka Kenya.

Safarkan ayaa noqonaya kii labaad oo madaxweynaha Dowlada Federalka Soomaaliya uu dalka uga baxo tan iyo markii xilkan loo doortay bishii September ee sannadkan, isagoo safarkii midkan ka horreeyay ku tagay dalka Uganda.

Daafeet.Com