Gudoomiyaha Suuqa Bakaaraha Axmed Nuurre Ow Diini oo lagu diley xafiiskiisa

0
44

Koox ku hubaysan bistoolado ayaa saaka aroortii toogasho ku dishay guddoomiyihii ganacsatada suuqa Bakaraaha ee magaalada Muqdisho Axmed Nuurre Ow Diini.

Wararku waxay sheegayaan in kooxahan ay marxuumka ku weerareen xafiiskiisa, kaddibna ay halkaasi ku dileen isaga iyo nin ilaalo u ahaa.

Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay durba goobta gaareen si ay u baaraan sida ay wax u dheceen, isla markaana dabagal loogu sameeyo kooxda weerarka gaysatay.

Si kastaba arintu ha ahaatee magalada muqdisho ayaa waxaa caado ka noqotey in maalin walba qof lagu dilo isagoo aan isla markana lasoo qaban dadka dilka geysta taasi oo ay dadka qaarkood ku tilmaamaan in eysan jirin wax dabagal ku sameeya dhacdooyinkaas si xal looga gaaro.

Daafeet.Com