Howlagalo laga sameeyey magalada baydhabo oo lagu soo xirixirey dhowr dhalinyaro

0
31

Ciidamada dowlada howlgalo xaley ka sameeyeen magalada baydhabo ayaa waxaa ay soo qabqabteen ku dhowaad 20 qof oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen falal amni darro ah oo magaalada Baydhabo ka dhacay.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Baydhabo ayaa sheegay in dadka howlgallada lagu soo qabtay la tuhunsan yahay inay wax ka og yihiin ama ku lug lahaayeen amni darrada magaalada, isla markaana tuhmaneyaasha su’aalo laga weydiinaayo eedeymaha loo haysto.

Xaafadaha Siigaale iyo Bardaale ayaa la soo sheegay in howlgallada xooggooda ay ciidamada ka sameeyeen.

Ma aha kolkii ugu horeysey oo ey ciidamda dowlada sameeyaan howlgaladan oo kale ayagoo maalinba maalinka ka dambeysa soo xir xira qof kasta oo ey uga tuhmayaan in uu amanka halis ku yahay.

Daafeet.Com