Reysulwasaare Cabdi Faarax oo sheegey in mar walba uu la tashan doono barlamaanka

0
52

R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon oo ka hadlay xafladdii dhaarinta golaha Wasiirrada oo shalay ka dhacday Baarlamanka, ayaa sheegay in xukuumaddu ay u shaqeyn doonto si hufan oo an mugdi ku jirin, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in uu wanaagsanaado xiriirka ka dhaxeeyay Baarlamanka iyo xukuumadda.

‘’Waanu idinla tashaneyna waana idiinlla imaandoonna wixii nagu adkaada xuquuqdiina waad heli doontaan wadashaqeyn wanaagsanna waanu yeelaneynaa aadbaana ugu faraxsanahay inaan arko wadashaqeyn dhexmarta xukuumadda iyo Baarlamanka.’’ Ayuu yiri R/wasaaha Somaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon.

R/wasaare Saacid ayaa hadalkan ka sheegay Baarlamanka hortiisa xilli shalay Baarlamanka lagu hordhaariyay inta badan xubnaha golaha wasiirrada Somalia.

Daafeet.Com