Kooxo beero isku heysto oo ku dagaalamey deeganka warmaxan

0
86

Dagaalo qasaare geystey ayaa ka dhacay deegaanka warmaxan ee gobolka shabeelaha hoose kaasoo ka dhashey dhul beereedyo ey isku heystaan labo kooxood oo beeraleey ah.

Dagaalkan ayaa inta la ogyahay waxaa ku dhintey 4 qof waxaana ku dhaawacmey ugu yaraan tobon qofood.

Dagaalkan ayaa qarxay markii labada dhinac ee dagaalamay ay isku qabsadeen lahaanshaha dhul beereed ay koox waliba dhinaceeda u sheeganayso, iyadoo ay socdaan hadda waanawaanno lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafkaas.

Odayaasha kooxaha dagaalamay oo ka mid ah beelo wada-dega deegaankaas ayaa dadaal xooggan ugu jira sidii ay u qaboojin lahayaeen xiisadda, iyadoo dagaalkan uu yahay kii ugu horreeyay oo kooxo beeraley ah ku dhexmara deegaankaas tan iyo markii Al-shabaab laga qabsaday bishii hore.

Daafeet.Com