Gudoomiyaha barlamanka oo sheegey in ey la shaqeyn doonaan xukuumada cusub

0
29

Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamad Sheekh Cusmaan ayaa sheegay in lagama maarmaan ey tahay in la helo garsoor dhameystiran, iyadoo sidoo kalana uu sheegay in Barlamaanka uu si dhab ah ula sheeqeenayo xukuumadda shalay la dhaariyay.

Prof. Jawaari Guddoomiyaha Baarlamanka oo ka hadlayay munaasabaddii dhaarinta ee shalay ka dhacday Baarlamanka ayaa sheegay in wadashaqeyn wanaagsan ay yeelan doonaan xukuumadda cusub ee shalay la dhaariyay iyo Baarlamanka si loo gaaro horumar dhan walba ah, isla maekaana dhibaatada laga saaro dalkeenna.

Prof. Jawaari ayuu xusay in lagama maarman ay tahay in la helo garsoor dhameystiran oo aas aas u ah dhowrista xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in dhibaatada dalkeenna ka jirtay muddada dheer ay inteeda badan ka dhalatay garsoor la’aan iyo caddaalad darro.

Si kastaba arintu ha ahaatee hadalka gudoomiyaha baarlamaanka ayaa kusoo beegmaya xili shaleyto lagu dhaariyey xubnaha wasiirda cusub baarlamaanka hortiisa ayagoo maalin ka hor cod aqlabiyad ah lagu ansixiyey baarlamanka.

Daafeet.com