Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska maddaxweynaha oo lagu beeninaayo qoraal ey qortey Reuters

0
36

Xafiiska madaxweynaha jamhuuriyadda federaaka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu soo saarey warsaxaafadeed uu ku beeninaayo qoraal ey qorey wakaalada wararke ee Reuters ayaa lagu beeniyay war ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, oo sheegayay inuu madaxweynuhu oggolaaday in la dhoofiyo dhuxul taalla magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in uu madaxweynuhu waafaqsan yahay mowqifka dowladda Soomaaliya iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee lagu mamnuucay dhoofinta dhuxusha Soomaaliya, iyadoo lagu beeniyay inay wax iska beddeleen mowqifka madaxweynaha ee arrintaas ku saabsan.

War-saxaafadeedka ayaa lagu yiri “maxaweynuhu wuxuu sheegay in ay dowladdu aad isugu mashquulineyso in ay xal ka gaarto arrinta aadka xasaasiga u ah ee la xiriirta dhuxusha, xalkaasoo ka hortagaya xaalufinta deegaanka, raadinayana sidii meesha looga saari lahaa dhuxusha haatan taalla.

Madaxweynaha ayaa ku celiyay inuu garab taagan yahay qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay looga codsaday inay qaataan tallaabooyin muhiim ah oo lagu hor joogsanayo dhoofinta dhuxusha Soomaaliya. Wuxuu Reuters ka codsaday inay raalligelin ka bixiso warka la been-abuuray.

Daafeet.Com