Reysulwasaare xamsa oo kulan muhiim ah la yeeshay reysulwasaaraha kuuriyada koonfureed

0
495

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre oo haatan ku sugan Kuuriyada Koonfureed ayaa maanta kulan gaar ah uu la yeeshay dhiggiisa Han Duck-soo, ballan-qaad culus u sameeyay Soomaaliya.

Ugu horreyn labada dhinac waxay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo abuuri lahaa iskaashi ku qotoma danaha ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kuuriyada Koonfureed.

Inta uu kulanka socday waxay sidoo kale labada ra’iisul wasaare isla soo qaadeen muhiimadda ay leedahay in la abuuro iskaashi ku dhisan wax wada qabsi iyo kala faa’ideysi, iyada oo diiradda la saarayo dhinacyada farsamada gacanta, xirfadaha, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo tiknoolajiyadda.

Xamza waxaa kulankan ku wehlinayay qaar kamid ah golihiisa wasiirada oo qayb ka ah wafdigiisa, waxayna ra’iisul wasaare Han Duck-soo iyo dowladdiisa ay ka codsadeen inay ku gacan siiyaan arrimaha hortabinta u leh xilligan dowladda federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Xamza oo horay ula kulmay madaxweynaha hey’adda horumarinta caalamiga ah ee Kuuriya (KOICA) CHANG, Won Sam ayaa kala hadlay arrimo muhiim u ah horumarka ay Sommaaliya ku taamayso.