Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay sababta kaliftay in diyaaradda Kenya Airways ay ka degi weyso garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo warar ay tebisay warbaahinta Kenya ay sheegayaan in dhowr duulimaad oo shirkadda Kenya Airways ay leedahay ay maalmihii lasoo dhaafay dib uga laabteen safarkoodii, kadib markii ay ka degi waayeen Muqdisho.
Maareyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya Axmed Macalin Xasan oo wareysi siiyey BBC ayaa sheegay in warkaasi uu jiro, isagoo sababta ku sheegay in baaqashada diyaaradaha shirkadda Kenya Airways ay salka ku heyso ‘sabab cimillo.’
Ugu yaraan labo diyaaradood ayaa la sheegay inay ka baaqdeen garoonka Aadan Cadde maalmihii lasoo dhaafay, labadaas diyaaradood mid waxay siday rakaab, midna xamuul, waxayna ka laabteen hawada magaalada Muqdisho.
“Diyaaradahaan ayay ku adkaatay in ay cago dhigtaan garoonka Muqdisho, sababo la xiriira dabaysha xagga danbe kaga dhacaysa ee dhanka badda ka imanaysa, waana diideen in ay ka soo degaan dhanka magaalada, marka dabayshu jirto. Marka hawshani waa wax la xiriira cimillada,” ayuu Maareeye Axmed Macalin Xasan.
Maareeyaha Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa qaba in caqabadda heysata diyaaradaha shirkadda Kenya Airways la xali karo, hadii ay raacaan tilmaamaha la siinayo, maadaama diyaradahaas ay dalka ku cusub yihiin.
