Dagaal xoogan oo maanta ka dhacay degmada berdaale

0
475

Wararka aynu ka heleyno degmada Bardaale ee gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta uu halkaas ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidanka Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidamo maleeshiyo beeleed ah.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidanka maleeshiyo beeleedka ah ay weerar xoogan ku qaadeen fariisimo gudaha magaaladaasi ay ku leeyihiin ciidamada Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed.

Dad ku sugan gudaha degmada Bardaale ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka uu ahaa mid aad u xoogan oo ay labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka hordhaca ah ayaa sidoo kale sheegaya in dagaalka uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhnac, hayeeshee lama xaqiijn karo inta u dhan yahay khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka.