Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta ku tagey Balcad kormeer lagu dardar-gelinayo billowga wajiga saddexaad ee waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.
Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay faa’iidada ay waddadan leedahay ayaa carrabka ku adkeeyay in ay tahay mid muhiim ah oo fure u ah ganacsiga, kor u qaadidda dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka.
Sidoo kale waxa uu sheegay in mashruucan dhismaha waddo uu door muhiim ah ka qaadan doono horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada aas-aasiga ah, iyada uu tilmaamay inay yareyn doonto waqtiga safarka iyo kharashka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa kale oo uu sheegay in Soomaaliya ay mareyso marxalad muhiim ah oo ay ka guuleysatay argagixisada, islamarkaana la xaqiijiyey guulo waaweyn oo dalka u horseedaya maalgashi.
Kormeerkan ayaa waxaa ra’iisul wasaaraha ku wehlijayey xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Taliyayaasha Ciidamada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Safiirka Dowladda Qatar.

