Ciidamada itoobiyaanka oo la sheegey in dhamaadka sanadkan ay ka bixi doonaan somaliya

0
631

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ayaa la filayaa in ay ka baxaan dalka dhamaadka December 2024, sida uu sheegay la taliyaha amniga qaranka, Xuseen Sheikh Cali.

Ciidamada Itoobiya ayaan ka mid noqon doonin ciidamada AU-da” ee ka howlgali doona Soomaaliya marka uu dhamaado howlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS), bisha December ee sanadkan.

La taliyaha amniga qaranka waxa uu sheegay in ciidamada lagu dhisidoono howlgalka cusub ay ka imaan doonaan afar waddan oo kala ah, Jabuuti, Kenya, Uganda iyo Burundi.

Kumanaan ka tirsan ciidamada Itoobiya ayaa qeyb ka ah howlgalka ATMIS. Waxaa sidoo kale qeybo kamid ah gobolada Koonfurta dalka ku sugan ciidamo Itoobiyaan ah oo aan qeyb ka ahayn howgalka ATMIS.

ATMIS ayaa la filayaa in ay Soomaaliya ka baxdo dhamaadka December 2024, sida ku cad Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 2710 (2023).