Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal xoogan oo barqanimadii maanta ku dhexmaray gudaha degmada Bardaale ciidamada Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed iyo maleeshiyo beeleed hubeysan.
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in Taliyihii Saldhigga Booliiska degmada Bardaale ee gobolka Baay Cali Boorow iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed iney ku geeriyoodeen dagaalkii maanta ka dhacay gudaha degmadaas.
Dagaalka ayaa bilaawday kadib markii maleeshiyaadka hubeysan weerar culus qaadeen fariisimaha magaalada Bardaale ay ku leeyihiin ciidanka Koonfur galbeed, waxaana sidoo kale la sheegay in khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh uu gaaray dhanka ciidanka maleeshiyo beeleedka.
Wasiirka amniga maamulka Koonfur galbeed oo ka hadlay dagaalka maanta ka dhacay Bardaale ayaa ku sheegay maleeshiyo beeleedka soo weeraray gudaha magaaladaas iney ahayeen kuwa ka tirsan Al-shabaab.
