Xisbiga himilo oo walaac ka muujiyey cadaadiska lagu hayo warbaahinta

0
496

Xisbiga Himilo Qaran ayaa soo saaray war culus oo uu walaac kaga muujiyay cadaadis uu sheegay in dowladda federaalka ay ku hayso warbaahinta madaxa bananaan.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay Himilo Qaran ayaa lagu sheegay in xisbiga uu diiwaangeliyay dhacdooyin dhowr ah oo lid ku ah xorriyadda hadalka oo ay ku kacday dowladda dhexe.

Sidoo kale wuxuu xisbigu sharci darro ku tilmaamay dhismaha Golaha Warbaahinta Qaranka oo ay ka horyimaadeen inta badan warbaahinta iyo suxufiyiinta Soomaaliyeed.