Taliyaha ciidanka boliiska oo fariin adag u direy kuwa ka caytama baraha bulshada

0
105

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya Sulub Axmed Firin ayaa ka hadlay talaabooyin dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ciidanka kusoo xirxireen qaar ka mid ah shaqsiyaad caan ka ah baraha bulshada oo aflagaado iyo kicin dadweyne ka dhex waday baraha Internetka.

Taliye Sulub ayaa sheegay in marnaba la ogolaan doonin in baraha bulshada laga dhex caytamo, qof walbo oo ka caytantana lasoo xiri doono lana horkeeni doono sharciga, isagoona xusay in shaqada Booliiska ay tahay ilaalinta sharciga iyo sharafta bulshada.

Hadalkaan kasoo yeeray Taliye Sulub ayaa kusoo beegmaya, iyadoo ciidanka Booliiska Soomaaliya ay Muqdisho ku xireen in ka badan 30 ruux oo isugu jira rag iyo dumar, kuwaas oo ku eedeysan aflagaadada qabiilo, shaqsiyaad kale iyo waliba hadalo kicin dadweyne.

Dadka ku nool Muqdisho ayaa si weyn u soo dhaweeyay talaabada ciidanka Booliiska Soomaaliya ay kusoo xirxireen dadkaan baraha bulshada ka dhex caaytami jiray mudooyinkii lasoo dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here