Dowlada federaalka oo soo dhaweysay go’aanka Golaha amanka qaramada midoobey

0
106

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aan kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo mar kale liiska dadka lagu soo rogay cuna-qabateynta ku daray saddex hoggaamiye oo ka tirsan Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay boggaaineyso go’aankaasi, waxaa sidaas sheegay wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac.

Daa’uud Aweys ayaa sheegay in saddexda hoggaamiye ay wejihi doonaan xaalad adag, isla markaana ay kamid ah tahay xayiraad dhaqaale oo ay la socoto mamnuucid.

Shakhsiyaadkan hadda waxay ku jiraan liiska cunaqabataynta ee hoos timaada Qaraarka 2713, iyagoo wajahaya xayiraad dhaqaale iyo mamnuucid socdaal,“ayuu sii raaciyay.

Saddexda hoggaamiye oo kala ah Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir, Maxamed Cumar Maxamed iyo Maxamed Maxamuud Mire ayaa lagu eedeeyay inay ka qayb qaateen maal-gelinta, qorsheynta, fududaynta, iyo diyaarinta dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here